Dowlada Eriteria Oo Amartay Ragga In Ay Guursadaan Ugu Yaraan Laba Xaas

War qoraal ah oo kasoo baxay dawladda Eritrea ayey kaga codsatay ragga u dhashay dalkaasi inay guursadaan ugu yaraan laba xaas, iyadoo arrintaasi ugu wacan tahay iyadoo ay ragga ku yar yihiin dalka Eritrea.

Rag badan ayaa ku le’day dagaalkii ay Eritrea la galeen milliteriga Ethiopia.

Qoraalka ka soo baxay dawladda Eritrea oo ku qornaa luuqadda carabiga ayaa lagu sheegay inay dawladda dhiirigalinayso siday diintu na fartay in la guursado xaasas badan (Polygamy).

Qoraalka ayaa lagu sheegay in nin kasta oo Eritrean ah waajib ku tahay inuu guursado ugu yaraan laba haween, iyadoo ninkii diida arrintaasi mutaysan doono xabsi Daa’im oo ay weheliso shaqo culus (Life Imprisonment with hard labour).

Sidoo kale, haweenaydii ka horjoogsata ninkeeda inuu naag kale guursado inay mutaysan doonto xabsi daa’im.

Warkan oo aanay dawladda Eritrea si rasmi ahaan u shaacinin, ayay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Eritrea sheegeen inuu sharcigan soo baxay iyadoo ay tiradda ragga Eritreanka yaraatay sababa la xidhiidha dagaalkii lagu riiqmay ee ay la galeen Milliteriga Ethiopia.

Dagaalkaasi waxa uu bilawday bishii May ee sannadkii 1998-dii, wuxuuna joogsaday bishii June ee sannadkii 2000, waxaana dal kasta kaga geeriyootay ciiddan lagu qiyaasay 150,000 oo qof.

Tiradda Guud ee dadka reer Eritrea waxay dhan tahay 4 million oo qof, halka tiradda Ethiopianka haatan cagacagaynayso 84 million oo ruux.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE