Suldaan Ibraahim Cabdulaahi Cadow Oo Ku Wajahan Degmada Lambar50 Ee Gobolka Shabeelada hoose

War naga soo gaaraya Magaalada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in halkaas uu kusii jeedo Suldaan Ibraahim Ibraahim Cabdulaahi Cadow.

Suldaanka oo bilooyin ka hor isagoo ku maqan Dalka dibadiisa loo doortay in uu ahaado Suldaanka Beesha Biimaal ayaa qaban qaabada soo dhaweyntiisa ay ka socotaa Nambar 50.

Waxa hada uu ku suganyahay Magaalada Hargeysa oo la filayo in maalinta berita ah uu kasoo duullo, Safarka Ibraahim Cabdulaahi Cadow oo inta badan aan la shaacin ayaa si aad ah looga hadal haayaa qeybo ka mid ah Shabeelada, isagoo la sheegay in uu kasoo qeyb gali doono Shir uu isaga soo abaabulay oo Maalinta Jimcaha lagu qaban doono Nambar 50.

Sida inta badan dhacda safarka Suldaan Ibraahim Cabdulaahi Cadow ayaa u dhaca qaab aan horey loo shaacinin, waxaana la arkaa ama laga war helaa isagoo dhex jooga meelaha aan laga filaneyn, lagamana war helo imaatinkiisa iyo xilliga uu baxayo.

Waxaa la filaa in magaalada Lambar50 lagu qabto Kulan u dhexeeyo beelaha deegaanka isla markaasina abaabulkiisa uu leeyahay Suldaan Ibraahim Cadow.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE