Ciidamada Kenya Oo Banneeyey Deegaanka Buulo Gaduud Iyo Ciidamo Shabaab Ah Oo Gudaha U Galay

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinayo in ciidamada Kenya ay faarujiyeen deegaanka Bulogaduud isla markaasina ku soo xaroodeen magaalada Kismaayo.

Ciidamo Soomaali ah oo Kenyaatiga la joogay Buulo Gaduud ayaa iyagana horey usoo raacay ciidamada Kenya maadaama aanay kaligooda awoodin inay Shabaab is hortaagaan.

Bulo gaduud oo qiyaastii 25 kilometer dhanka Waqooyi ka jirto magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegayaa inay gudaha u soo galeen ciidamo Alshabaab ah oo ka soo gudbay tuulada Yoontooy iyo Buundada Wir-ikooykaga.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaayo in ciidamada Kenya laga yaabo inay banneeyaan deegaano badan oo Shabaab ay isku horfadhiyaan, waxaana hadda laga cabsi qabaaa inay banneeyaan deegaanada Taabto, Dhoobley iyo Afmadow.

Waa saldhiggii 3aad ee ciidamada Kenya faarujiyeen kadib weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyey Kenyaatiga ee deegaanka Ceelcaddde.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran