Cudurka ZIKA Oo Si Ba’an Ugu Fidaayo Wadamada Koonfurta Iyo Waqooyiga America (Warbixin)

Khatarta cudurka Zika ayaa sii badanaysa, Saddex ilaa afar milyan oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay qaadaan vayruska Zika gudaha dalal badan oo ku yaala Koonfurta America sida ay sheegtay hey’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Zika  oo ah cudur ay keento nooc ka mid ah Kaneecada ayaa kusii baahaya koonfurta America, bartamaha iyo waqooyiga America, waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo marki ay dhalaan dhalaya ilmo maskaxiyan ka hooseeyo kuwa u dhasha sida caadiga.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in sanadkaan 2016 ay bilaabayaan Tallaal ka dhan ah cuduka Zika si muwaadhiniinta uga nabadgalaan.

Dowladda Venezuela oo ka mid ah dowladaha Koonfurta America ayaa ugu baaqday ragga iyo dumarka is qaba (Lamaaneyaasha) inaysan Uur qaadin ilaa sanadka 2018-ka si looga baaqsado dhalashada Caruur qaba xanuunkan Maskaxiyan ah.

Dhanka kale, dowladda Brazil oo sanadkaan ka dhici doonaan ciyaaraha Olombikada Aduunka ayaa walaac xooggan laga muujinayaa iyadoo madaxa xiriirka Olombikada Aduunka uu sheegay in ay kordhiyeen tallaabooyin looga hortagayo in uusan xanuunka Zika waxyeeleeynin ciyaaraha ka dhici doono magaalada Rio de Janeiro.

Cudurka Zika ayaa marki ugu horeeysay waxaa laga helay dalka Uganda sanadki 1947-ki, hase yeeshee wali ma uusan u fidin sidaan oo kale. Sanadki 2015 ayaa waxaa laga helay dalka Brazil wuxuuna 2016-ka ku fiday dalal badan oo Venezuela ugu horeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE