Daacish Oo Weerar Ismiidaamin Ah Ku Qaaday Masaajid Ku Yaalo Bariga Sacuudiga (Video)

Wararka laga helaayo magaalada Ixsaa ee bariga dalka Sacuudiga ayaa sheegaayo in masjid halkaasi ku yaalo ay soo weerareen labo ruux oo hubeysan.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in mid ka mid ah dableyda inuu is qarxiyey halka midka kalena isagoo rasaas gamaayo ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen ka hor inta uusan is qarxinin.

Ugu yaraan 4 qof ayaa geeriyootay halka tiro 18 ruux gaareyso ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha Ammaanka waxay xaqiijiyeen in ragga weerarka fuliyey ay ka tirsan yihiin kooxda DAACISH.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran