Dhageyso Somaliland Oo Sheegtay In Natiijada Shirkii Muqdisho Aysan Waxba Ka Khuseyn

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay waxba ka khuseyn Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Isagoo Wareysi siinayey  laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Soomaalida ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE