Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Oo Sharaxaad Dheeraad Ah Ka Bixiyey Sababaha Somaliland Iyo Puntland Xubno Dheeraad Ah Looga Siiyey Aqalka Sare

Wasiirka Warfaafinta dowladda federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sharaxaad ka bixiyey sababaha keenay in Somaliland iyo Puntland laga siiyo Aqalka Sare xubno dheeraad ah oo maamuladaasi matilaayo.

Maareeye ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay ka gobollo badan yihiin maamulada kale isla markaasina nidaamkooda siyaasadeed uu yahay mid xooggan oo waqti dheer soo jiray.

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Puntland min 3 xubnood oo dheeraad ah laga siiyey Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubin halka maamul goboleedyada kale qaadanayaan min 8 xubnood.

Dhageysi wacan:

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran