Sheekh Maxamed Idris “Madaxweynaha Ha Caddeeyo Arrinka Lala yaabay!”

Sheekh Maxamed Idris oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaalida ayaa qoraal kooban oo baraha Bulshada soo dhigay kaga hadlay Sujuuddii iyo Rukuucdii madaxweyne Xasan u sujuuday Meydadka askartii Kenya ee lagu laayey Ceelcadde.

Fariinta uu Sheekh Maxamed Idris soo dhigaya ayaa sidan hoose ka muuqaneyso ahayd:

 

Waxaa baraha xiriirka bulshada ilaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!!
Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda, sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?
Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay?
Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan, Culimada qaarna wexey qabaan hadii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo hadii kalena dembi weyn tahay.
Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur..

rukuuca

rukuuc

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran