Dhageyso: C/raxmaan Faroole Oo Beesha Hawiye Ugu Baaqay Inay Yimaadaan Garoowe Si Ay Uga Wada Hadlaan Masiirka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay beesha Hawiye inay yimaadaan magaalada Garoowe si ay uga wada xaajoodaan Masiirka Soomaaliya.

Faroole oo sheegay in beesha Hawiye oo degaankeeda ka bilowdo Koonfurta Gaalkacyo Soohinteedana tahay Waqooyiga gobolka Sh.hoose ay yihiin kuwa dhibaatada ugu ba’an ay ka dhaceyso deegaanadooda  ayuu ugu baaqay inay Xasan Sheekh ka eryaan kursiga si ay nabad u helaan.

Faroole oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Xasan Sheekh maanta uusan tegi karin Balcad iyo deegaanka Ceelasha Biyaha isagoo aysan la soconin Taangiyada AMISOM amni xumo darteed.

Dhibaatada Soomaaliya ka jirto oo marxalado kala gedisan soo martay isla markaasina mar walbo Shaati cusub loo geliyo ayaa ku qotonto dagaaladii dhexmaray Hawiye iyo Daarood oo aan weli dhamaanin, arintaan ayaa noqotay arin inta badan dadka Soomaalida iska indho tiraan iyagoo ogsoon meesha dhibaatada ka jirto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran