Kulan U Dhexeeyo Beelaha Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Lambar50 (Faahfaahin)

Kulan ay isugu yimaadeen dhammaan waxgaradka iyo nabadoonada beelaha dego gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxaa lagu qabtay degmada Lambar50 ee gobolka Sh.hoose. 

Kulanka waxaa ka soo qayb galay dhammaan beelaha gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ugu horeeyaan Biimaal, Digil, 12Koofi, Surre iyo Shiikhaal Gendershe. Waxgaradka beelahan ayaa si weyn uga dooday dhibaatada reer Sh.hoose ku qabaan maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa shirka si fiican u daahfuray odeyaasha dhaqanka beesha Biimaal ee gogosha dhigay. Intaasi kadib, waxaa xigay kalimado qiimo badan oo halkaasi ay ka jeediyeen dhammaan marti sharafka beelaha kale ee gobolka Sh.hoose, waxayna dhammaantooda isku waafaqeen inay muhiim tahay in shacabka Sh.hoose loo horseedo xurnimo iyo horumar, waxayna balan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan sidii dulmiga mooryaanta ay uga dulqaadi lahaayeen degmooyinka ay ka kala yimaadeen ee gobolka Sh.hoose.

Dhamaan waxgaradka beelaha gobolka Shabeelaha Hoose waxay si weyn u dhaliileen siyaasadda xun ee Shariif Xasan uu ku hogaaminayo gobolka iyo sida uu u maamulay xubnaha Baarlamaanka K/Galbeed ee gobolka Sh.hoose ku lahaa. Waxgaradka oo caro ay ka muuqatay ayaa sheegay in Shariif Xasan uu Shurako la yahay kooxo qowleysato ah oo aan gobolka u dhalanin oo mar walbo uu ka iibinaayo jagooyinka gobolka Sh.hoose.

Mid ka mid ah waxgaradka beelaha Digil oo goobta ka hadlayey ayaa beesha Biimaal ku amaanay sida geesinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen duulaankii qaawanaa ee Hawiye ku soo soo qaadeen degmada Marka iyo sida ay ugu babac dhigeen maleeshiyaadka sharwadeyaasha ah ee Xasan Culusow u soo diray inay xoog ku qabsadaan wadada Laamiga ah ee isku xirto Afgooye ilaa Marka, wuxuuna nabadoonkaasi ugu baaqay beesha Biimaal inay sii wadaan howlgalada mooryaanta looga nadiifinaayo xaafado ka mid ah  magaalada Marka oo ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Yuusuf Cagey oo ku hayb ah Xasan Culusow.

Waxaa la isla gartay in la joogteeyo kulamada noocaan oo kale ah ee u dhexeeyo beelaha deegaanka walaaleeyey ee ood wadaagga ah, waxaana dhammaan dadkii ka soo qaybgalay ay ka dhiidhiyeen inay aad ugu rajo weyn yihiin in deegaanada uu dulmiga haysto sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado.

Gabagabadii kulanka oo maanta galabtii ahayd ayaa waxaa laga soo saaray go’aano ah in la dhiso Gole Wadatashi oo ay ku mideysan yihiin Beelaha Gobolka SHABEELAHA HOOSE, waxaana la sugayaa in beel walbo ku soo gudbiso tirada xubnaha laga rabo mudo hal usbuuc ah.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE