Madaxweynaha Zimbabwe Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbaday In Afrika Ka Mid Noqoto Wadamada Leh Diidmada Veto Power (Video)

Waxaa magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya ka soconaayo shir madaxeedka golaha Ammaanka Africa kaasoo looga hadlaayo xasrado ka taagan dalalka Burundi iyo Konfurta Sudan.

Shirkan waxaa lagu martiqaaday xogyaha guud ee Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale oo aduunka ka socotay.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa khudbad qiiro badan oo lala yaabay ka jeediyey halkaasi, wuxuuna fariin u diray UN-ka isagoo ka codsaday in qaaradda Afrika ka mid noqoto wadamada awoodda ku leh Qaramada Midoobey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE