Xaalad Colaadeed Oo Laga Dareemaayo Jubbooyinka Iyo Axmed Madoobe Oo Booqday Xero Ay Ku Jiraan Ciidamadii Soo Faarujiyey Buulo Gaduud (Video)

Wararka laga helaayo degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegayo in xaalad colaadeed laga dareemaayo deegaano dhowr ah oo dhaco duleedyada waqooyi iyo galbeedka Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa booqday ciidamo dib u gurasho ka soo sameeyay 2 maalin ka hor  furimaha dagaalka ee deegaanada Buulo Gaduud iyo Yoontooy.

Dhanka kale, Xarakada Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan ka wado Jubbooyinka iyo Gedo, waxaa la soo sheegaayo in Shabaabka go’doomiyeen deegaanka Buurdhuubo, waxaa jiro culeysyo milateri oo Shabaabka saarayaan ciidamada Kenya si ay u banneeyaan deegaano hor leh oo ay gacanta ku hayaan Jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE