Dowladda Turkiga Oo Markale Digniin Siisay Diyaarad Ruushka Leeyahay Oo Soo Gashay Hawaa Turkiga

Wadanka Turkiga ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushka leeyahay ay ka dhaga adeegtay fariimo digniin ah oo la siiyay xili ay ku soo xadgudubtay hawada dalka Turkiga. Dowladda Turkiga waxay ka digaysaa cawaaqibta xun ee ka dhalan karta hadii diyaaradaha Ruushka sii wadaan ku xadgudubka hawada Turkiga (Turkish Airspace).

Afhayeen u hadlay wasaarada Difaaca Ruusha Igor Konashenkov oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Turkiga ka soo yeeray.

Igor Konashenkov ayaa intaas ku daray in qalabka raadaarka Turkigu uunan lahayn awood uu ku ogaan karo nooca diyaaradaha maraya hawada iyo dalka laga leeyahay,wuxuuna intaas ku daray inaynan jirin digniin soo gaartay duuliye-yaasha diyaaradahooda.

Dowlada Turkiga ayaa mudo 2 bil ka hor dhulka soo dhigtay diyaarad Ruushka leeyahay oo ku soo xadgudubtay Hawada Turkiga iyadoo dowladda Ruushka ku guuldareysteen inay caddeeyaan sheegashadoodii in diyaaradooda ay ku jirtay hawada Suuriya kadib markii baaritaan lagu sameeyey Sanduuqa Madow ee kaydiyo macluumaadka iyo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa aad u sii xumaanayo, waxaa Turkiga u yeerteen Safiirkii Moscow u fadhiyey, waxaa gabi ahaan la joojiyey ganacsigii labada dal u dhexeeyey kadib markii Ruushka soo faro geliyey arimaha Suuriya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE