KENYA: Weerarkii Ceelcadde Waxaa Fududeeyey Ciidamada Dowladda Somalia

Koox gudi ah oo dhowaan loo xil saaray inay soo baaraan weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Shabaab ay ku burburiyeen Saldhigii ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ayaa soo bandhigay arimo muujinaayo in ciidamada dowladda Somalia wax ka ogaayeen weerarkaasi.

Arimaha Kenya soo daliilsaneyso ayaa waxaa ugu weyn in Anteenooyinkii shirkadaha Isgaarsiinta Ceelcadde la damiyey daqiiqado ka hor weerarka taasi oo sababtay inaan cidna ka warhelin xasuuqa Shabaab meesha ugu geysteen Ciidamada Kenya.

Xarakada Alshabaab ayaa weerar culus oo ay qaadeen Ceelcadde bishan 15-keda waxay ku dileen askar Kenyan oo kor u dhaafeyso 100 askari halka tobaneeyo kalena nolosha ay ku qafaasheen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE