Maleeshiyo Beeleed Tababar Ku Soo Qaadatay Dalka Dibaddiisa Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyey (Sawiro)

Waxaa maanta xaflad soo dhaweyn ah Muqdisho loogu sameeyey tiro ka tirsan maleeshiyada dowladda oo markoodii hore qaab qabiil tababar loogu diray dalka Turkiga.

Waxaa maleeshiyaadka la dardaarmay horjoogahooda oo lagu magacaabo Maxamed Aadam (Buud) isagoo ka horsheegay inay iska iloowaan qabiilka oo markii hore lagu soo xulay.

Maleeshiyaadka dalka Turkiga loogu diray tababar ciidan ayaa dhammaantooda ka soo jeedo beesha madaxweyne Xasan Culusow iyo kuwo Shurako la ah, waxaa soo xulay markii Turkiga loo diraayey hogaamiye kooxeedyada kala ah Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye.

fake0 fake1 fake2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran