Qaban Qaabada Xaflad Lagu Caleema Saaraayo Suldaanka Beesha Qubeys Oo Ka Soconeyso Magaalada Bacaadweyne Ee Gobolka Mudug

Waxaa maalinta berri oo 01-02-2016-ka magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug lagu qaban doonaa xaflad lagu caleema saarayo Suldaanka Beesha Qubeys Suldan C/laahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Muxumed.

Xafaladda waxaa ka soo qayb galayo dhammaan Waxgaradka, Haweenka iyo odeyaasha dhaqanka beesha Qubeys oo ka kala yimid dhulka Soomaalida degto ee geeska Afrika.

12

Suldan C/laahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Muxumed ayaa xilkan ka dhaxlay aabahiisa oo xili dhow ku geeriyooday halkaasi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE