Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Ayaa Sheegay Inuu Haayo Warqad La Sheegay In Somaliland Ku Codsatay Baasaboorka Soomaaliya (VIDEO)

Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya Gaafow ayaa maanta isagoo warbaahinta la hadlaayey waxaa uu sheegay inuu gacanta ku haayo Warqad codsi oo uu qoray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde taasoo Warancadde ku codsanaayey in xafiis laga bixiyo Baasabarka Soomaaliya lagu furo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Hadalka Gaafow ayaa imaanaayo maalin kadib markii Wasiir Warancadde oo u waramaayey VOA-da uu iska fogeeyey inuu isticmaalo Baasaboorka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE