Wakiilka Xoghayaha QM Ee Somalia Michael Keating Iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya Oo Xaaladda Soomaaliya Ka Arinsaday (Sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Somalia Michael Keating ayaa ka arinsaday arimaha Somalia.

Tedros Adhanom oo qoraal kooban soo dhigay baraha internetka ee Bulshada ku kulanto ayuu ku sheegay in ergayga qaramada midoobay Michael Keating uu kala hadlay xoojinta iyo tayeynta ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ka wado Somalia.

Michael Keating iyo Tedros Adhanom ayaa kulamo gaar ah qaatay xili caasimadda dalka Itoobiya ee Addisababa uu ka soconayo shir madaxeedka madaxda qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Culusow oo isagana ku sugan Addisababa ayaa ah  shakhsi aan lagala tashanin arimaha Soomaaliya maadaama beesha caalamka iyo dowladaha deriska xaqiiqsadeen inuusan u qalmin hogaaminta Soomaaliya dhan walbo.

Keating keating1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE