Wasiir Warancadde Oo Ku Jeesjeesay Gaafow Iyo Xasan Sheekh”Gaafow Wuxuu Ka Mid Ahaa Saraakiil Aan Xukumi Jiray, Warqadaasi Waa Been Abuur Iyagaa Farsameystay… ” (VIDEO)

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa si jeesjees ah uga jawaabay hadal ka soo baxay Laanta Socdaalka Soomaaliya kaasoo ahaa in Wasir Warancadde uu qoray codsi uu ku dalbanaayo in Hargeysa laga furo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka Soomaaliya si muwaadiniinta Somaliland u qaataan.

“Gaafow wuxuu ka mid ahaa saraakishii aan xukumi jiray, waa nin dishibliin leh lkn waxa uu wado waa loo soo dhiibay oo waa usoo dhiibay ninka Madaxweynaha ka ah Somaliya Xasan Sheekh oo been, cadaalad darro iyo qabyaalad  ku caan baxay…..” ayuu yiri wasiir Warancadde.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran