Wafdigii Maanta Gaaray Degmada Lambar50 Oo Caawa Halkaasi Ku Hoyanaayo (Warbixin)

Waxaa maanta magaalada Lambar50 ee gobolka Shabeelaha Hoose soo booqday Wafdi isugu jiro Odeyaal dhaqameed, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka K/Galbeed oo dhammaantooda u dhashay beesha Biimaal.

Wafdiga oo ay hogaaminaayeen Nabadoon Awyare Abshirow iyo Wasiirka Beeraha maamulka K/Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxaa si heer sare ugu soo dhaweeyey degmada taliyaha ciidamada daraawiishta K/Galbeed, maamulka iyo waxgaradka degmada Lambar50. Waxaa sidoo kale wafdiga ku jiro xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka K/Galbeed ee dhowaan loo dhaariyey xilka.

Sida aan horey u baahinay, Wafdigan ayaa ah mid hordhac u ah oo loogu gogol xaarayo Wafdi balaaran oo isagana la filaayo in maalmaha soo socdo ay yimidaan isla degmada Lambar50 maadaama magaaladan Lambar50 ay tahay meel aad u xasiloon oo aysan joogin ciidamo kala ujeedo ah.

Iyadoo dalka Soomaaliya uu hadda galay marxalad Kala-guur ah, Waxaa jiro arimo badan oo u yaalo waxgaradka beesha Biimaal taasoo ay waajib tahay inay is-faham sax ah ka gaaraan ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada Soomaaliya ka qabsoomi doonto isla sanadkan 2016-ka dhexdiisa, waxaa shacabka beesha Biimaal ka sugayaan siyaasiyiinta iyo odeyaasha dhaqanka inay isku waafaqaan shakhsiga beesha xuquuqdeeda uga soo qaadi doono dowladda Federalka.

Shakhsiga loo xilsaarayo inuu dowladda Federalka ka keeno xuquuqda beesha Biimaal ayaa looga baahanaan doonaa inuu noqdo shakhsi ku xiran Culimaa’uddiinka beesha isla markaasina ula soo noqonaayo arin kasto oo deegaanada beesha Biimaal laga hirgelinaayo iyo wixii la xiriiro gudbinta liiska mudaneyaasha Biimaal u matali doono  labada gole (Fulinta iyo Sharci dejinta) iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Dhanka kale, waxaa ahamiyad gaar ah iska leh sidii shacabka magaalada Marka looga dulqaadi lahaa maleeshiyaadka shaarka dowladda xiran ee dhibaatada ku haayo shacabka beesha Biimaal, arintani ayaa iyadana ah howlaha shaqada culus u baahan ee horyaalo mas’uuliyiinta beesha Biimaal ee maalmaha soo socdo ku kulmi doono gobolka Shabeelaha hoose.

Wafdiga ayaa caawa ku hoyanaayo magaalada Lambar50, waxaana caawa shirar gooni gooni ah ay la qaadanayaan mas’uuliyiinta degmada iyo taliyeyaasha ciidamada daraawiishta oo halkaasi caawa ku wada sugan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran