Rabitaanka Shacabka Beesha Biimaal Ma Lagu Qarin Karo In Horjooge-yaashii Gumaaday Shacabka Lagu Soo Dhex Daro Labo Sarkaal Oo Isaaq Iyo Mirifle Ah

Waa dhaqan xumo in Cabashada shacabka magaalada Marka loo weeciyo dhinac kae oo aysan dalbanin. Markii Waxgaradka beesha Biimaal si aan gambasho lahayn u qeexeen in magaalada Marka ay ka degi la’dahay Caqliyadda Hawiye  ee Villa Somalia laga hagaayo.

Dhowr jeer ayaa Xasan Sheekh loo sheegay in horjoogeyaasha ciidan ee Hawiye ee uu u soo diraayo deegaanada beesha Biimaal aanay waxba dhaamin Alshabaab, waa niman aan looga baahneyn degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh.hoose.

Maalmihii ugu dambeeyey Xasan Sheekh iyo horjoogeyaashiisa ciidan oo rabo inay qariyaan rabitaanka shacabka beesha Biimaal waxay bilaabeen in horjooge-yaashii Hawiye gaar ahaan kuwii Habargidir lagu soo dhex daro Saraakiil u dhashay beelo kale si loo marin habaabiyo rabitaanka beesha Biimaal iyo guud ahaan beelaha gobolka Sh.hoose.

Bal u fiirso, Maxaa  keenay in Sarkaal Isaaq ah oo magangalyo doon Muqdisho ku ah lagu soo daro ciidamadii Hawiye ee gumaadka ka waday degmada Marka iyo hareeraheeda? Waa sarkaal lagu magacaabo Buraale, hadafka loogu soo dhex daray horjooge-yaasha Hawiye waa in la marin habaabiyo rabitaanka shacabka. Buraale ma wato ciidan, wuxuu iska dhex socdaa ciidamo Abgaal iyo Habargidir u badan oo la yiri “Abaanduule ayaad u tahay ciidan” balse cid ka amarqaadato Buraale ma jirto, waxa ay sameynayaan horjooge-yaasha Hawiye ee Biimaal dagaalka kula jiro waa wax lagu qoslo.

Arinta kale ee xiisaha leh oo iyadana cusub ayaa ah in shaley markii ugu horeysay Sarkaal beelaha Mirifle ah laga soo qayb galiyey Kulan u dhexeeyey horjoogeyaasha Hawiye ee xerada Laanta Buuro ku xareysan. Waa sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Isaaq Yarow oo qaabilsan gobolada Bay iyo Bakool, waa lagu owr-kacsanayaa isagana, maanta Ibraahim Isaaq Yarow wuxuu  la socdaa horjooge-yaasha kale ee Hawiye ee xaley magaalada Marka soo galay oo ay hogaaminayaan kaabo mooryaan Goobaale iyo Saney.

Mowqifka Beesha Biimaal

Si kasto oo ciyaalka Hawiye gacanta loogu geliyey gaadiidkii dagaalka ee beesha Caalamka ugu deeqday Soomaaliya haddana beesha Biimaal oo dhulkeeda joogto waxay ku kalsoon tahay dhalinyaradeeda iyo taliye-yaashooda ciidan. Dulmi iyo gumeysi madow ma aqbaleyso Beesha Biimaal, mana lagu qaldi karo humaagga beenta ah iyo in Sarkaal Mirifle ama mid Isaaq ah oo aan dhulkiisa tegi karin loo soo kaxeysto.

Beesha Biimaal wey kula xisaabtameysaa Mooryaanta Habargidir iyo kuwa maxmiyadda u ah mar walbo labadii ganacsade ee magaalada Marka lagu dilay ka hor inta aysan magaalada ka bixin maleeshiyaadkii Yuusuf Cagey. Dhacdooyinkii u dambeeyey ee magaalada Marka ay ka abuureen kaabo mooryaanta ma noqonayaan kuwo lagu hilmaamo dilka labadaas ganacsade ee beesha Biimaal u dhashay.

Rabitaanka beesha Biimaal ma noqon doono mid ay marin habaabin karaan kuwa xaaraanta ku cuno Villa Soomaaliya. Waxaan hiigsaneynaa in maamulka degmada Marka loo madax banaaneeyo dadkeeda, ma rabno mooryaan dhex deggan oo dhiigga shacabkeenna u ooman.

 

WQ: Abshir Qataarane

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran