Dr. Cali Cabdi Baab Oo Baaq Adag U Diraayo Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose

Yaa ka mas’uul ah Mashaqada & Meydadka Maatida magaalada Marka-cadey dhamaan dhibaatooyinkaan & kuwa kaloo badan waxaa qaadanaaya masuuliyadeeda oo dusha ay u saarantahay.

Madaxweynaha Dow. Fed. Xasan Culusow, oo ah Shakhsiga uu ka dagi-la’yahay Gobolka Sh/hoose, waxaad moodaa Dhibaateynta Gobolka Sh/hoose in ay tahay mid leysaga Dar-daarmay,wax yeeleynta Bulshaweynta ku nool Gobolka Sh/hoose, iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaas & culeesyo badan oo kale,ayeeysan xildhibaanada & waziirada ka soo jeeda Gob.Sh/hoose u matala Dowlada Federaalka,eeysan ka hadlin,iyagoo arkaaya,Xildhibaanada & waziirada asaagooda marka ay Deegaanadooda qajaf-yar ay ka dhacdo sida ay ugu gurmadaan,una sameeya Qaylo dhaan kasta,ayeeysan u damqaneynin bulshada ay wakiilka ugu yihiin Dowlada, iyadoo waliba laga gar-daranyahay Bulshadooda ayeeysan awoodin in ay u hadlaan.waxaad maqleysaa iyadoo warbaahinada laga leeyahay waa in si deg-deg ah loo joojiyaa Dhiigga walaalaha Muslimka ee daadanaaya,waxaa is weydiin mudan dhiigga Shacabka Gob.Sh/hoose,miyeeysan Muslim Soomaali eheyn maxaa Dhiiggooda & cirdigooda Xalaaleeyay oo kuwa kale xaarantimeeyay,Akhristayaasha ayaan jawaabta u daayay?

Xasuuq & Tacadiyaad badan ayaa ka dhacay Gob.Sh/hoose,oo Rubac-qarni jirsady,cid masuul dowladeed ah oo ka hadlaaya wali lama maqal,taasi badalkeeda hadii ay wax yar ay ka dhacaan Gobolada Hiiraan,Gal-gaduud & Mudug Madaxda Dow.Fed, dayaarado ayeey ugu kala Guushaan iyadoo Har&Habeen ay Warbaahinada Xamar eeysan ka aamuuseynin Buun-buunintiisa Haatan waxaan Ummada soomaaliyeed ee Nabada Jecel aan weydiinayaa wadanka Soomaaliya ma ciidan qaran ayaa jira? Maxeey tahay asbaabta ka danbeeysa ee gobolka Sh/hoose oo kaliya loogu soo diraayo Maleeshiya Beeleedyada Hawiye ee loo soo Huwiyay Dareeska & Magaca Ciidanka Qaran, maanta Magaalada Marka-cadey waxaa ku sugan maleeshiyo Beeledyo ay Hogaaminayaan:-
1-C/qaadir Macallim Nuur
2-Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale)
3-C/qaadir Bac-baco
4-Saneey
5-Cageey, Nasiib daro & laba Janan oo la soo marin-habaabiyay( Gen.Ibraahim Yarow,& Gen.Buraale)

Gen.I.yarow, waxaan leeyahay Ushii Sh/hoose lagu garaaco gumadkeeda Baay ayaa lagu garaaci doonaa ee ka fiirso. Gen. Buraale waxaan leeyahay,Adigoo Nin ISAAQ ah miyeey Burcada kuusoo kIREEYSATAY,Baabi’inta Bahdaada waa Ayaandaro & Lama Filaan. Waxaa iyadana muhiim ah in loo cadeeyo Bulshaweynta Gobolka Sh/hoose,ee xoogaaga-yar Rajada ka qabayin Hogaanka koonfur-galbeed in uu ku Fashilmay Hogaaminta,Maareynta-siyaasada, Cadaalad, Amni & Xasalinoo in uu ku soo celiyo gobolka mudadii Sanadaka & Xoogaaga uu jiray,taasi oo inoo cadeyneyso in eeysan wax masuuliyad ah iska saarin,hadaba:-

Ugu danbeyntii waxaan Bulshaweynta Gobolka Sh/hoose, Waxgaradkooda, Aqoonyahanadooda, Siyaasiyiintooda & dhamaan Bulshada-rayidka aan ugu Baaqayaa inay ka tashadaan Masiirkooda & Aayahooga, inta ay goori-goor tahay eeyna isku haleynin Hogaanka Faashilka koonfur-galbeed, waad maqasheen iyaga ayaa Afkooda ka Qirtay in ay ku Fashilmeen maareynta Siyaasada Gob.Sh/hoose, hadaba Baaqeygu wuxuu yahay Beelaha Gob.Sh/hoose si aan loo Daminin Shuclada Dib-uxureynta Gob.Sh/hoose waa inaan HIIL & HOO,la Garab istaagnaa walaalaheen Reer BIIMAAL,GUUL..GUUl…GUUL.!

( XAQ LA HELAA XAL LA HELAA.! )
Dr. Cali Cabdi Baab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE