Fariin Ku Socoto Xildhibaanada Beesha Biimaal Ee DF: Dadka Aad Magacooda Mushaarka Ku Qaadataan Ha Idinka Helaano Deeq Ama Deeyro!

Shaqo markaad ka codsaneyso Shirkad ama qolo kale, waxaa lagu weydiinayaa inaad keento Shahaadooyin Jaamacadeed kuwaasoo cadeynaayo heerkaaga Aqoon iyo CV (Curriculum Vitae) kaasoo isagana aad ku muujineyso Taarkiikhdaada waxbarasho iyo Khibradahaaga shaqo. Mar haddii qofka la shaqaaleeyo wuxuu si dhab ah u gutaa waajibkiisa si uu u helo mushaarkiisa bil walbo. Ma is ogtihiin haddaad tihiin xildhibaanada Biimaal inaad shaqaale u tihiin shacabka beesha Biimaal?

Waxaad tihiin 7 Xildhibaan ama 8 aan iraahdo, waxaad ku dhaarateen inaad shacabka aad matileysaan u adeegtaan, Shahaadooyinkiina iyo CV-giina waa shacabka iyo deegaanada beesha Biimaal sababtoo ah haddii shacab iyo deegaan Biimaal jiri lahayn cidna kursi idinkama siiseen Golaha Baarlamaanka. Bil walbo waxaad Mushaar ku qaadataan Magaca iyo deegaanada Biimaal, Mushaarkiina midka ugu liito waa $2,500 (Labo Kun Iyo Shan Boqol Dollar), qaarkiina waxay isku hayaan labo jago sida Cabdalle Xuseen Cali, mushaar labo jibaar ayuu magac Biimaal ku qaataa qofka noocaas ah. Sidoo kale, waxay beesha dowladda Federalka ku leedahay hal wasiir, Wasiir Axmed Bile wuxuu magac Biimaal ku qaataa 3,500 dollar (Sadex kun iyo Shan Boqol Dollar). Waxaa la idiinku akhriyaa “Xildhibaan Qaran Ayaad Tahay”, waa hadalo ay soo daliilsadaan kuwa Wahsiyey, waan ogahay inaad qiil ka dhiganeysaa ereyada “Xildhibaan Qaran Ayaan Ahay” maadaama Karti xumo idiin dilootay.

Ma is keeneysaa inaad Bil walbo magaca iyo deegaanada Biimaal ku qaadatiin Mushaar isla markaasina aadan qabsanin waajibaadkii idinka saarnaa dhowridda xuquuqda shacabka iyo deegaanada beesha Biimaal? Waajibaadka idinka saaran deegaanadiina waa inaad taqaaniin. Hadafka xildhibaanka waa inuu ilaaliyo sharciga, gaar ahaan xildhibaanka waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo sida Sharciga Dowladnimo loogu fulinaayo deegaanadiisa ama dhulka uu ka soo jeedo.

Bal u fiirso maxaa ka socdo degmada Marka? Waad wada ogsoon tihiin sida Tiknikada dowladda loogu gummaadaayo shacabka beesha Biimaal laakiin waxaan Alle ka rajeynaa in Musiibo idinku habsato taaso ka dhalatay dayacaadda shacabkiina aad ku haaysiin. Shacabka aad matashaan waxaa lagu gumaadooyaa Tikniko dowladeed, Hubkii dowladda oo ciyaal Hawiye loo soo dhiibay ayaa dadkiinii guryahooda magaalada Marka ku baabi’yey.

Mar haddii Soomaaliya 4.5 wax loogu qaybiyey, maxaad ciidamada Biimaal ee tirada badan ugu raadin weyseen Saamiga Hub iyo Gaadiid dagaal ee ay ku laaheen dowladda Federalka? Mise waxaad u maleysiin in Tiknikooyinka dowladda federalka ay xoolo Hawiye yihiin? Imisaa Tikniko ayey Alshabaab gobolka Sh.hoose uga furatay Ciyaalka Hawiye kaliya bishan Febraayo 2016-ka? Weydiiya taliyeyaasha ciidamada Biimaal sida Waafow, Maxamed Sheekh iyo Farey, iyaga ayaa idiin sheegaayo tirada gaadiid dagaal ee Alshabaab ka qabsatay ciyaalka Hawiye ee boobka u yimid Sh.hoose.

Haddii Xasan Culusow diido in ciidamada Biimaal la siiyo hubka iyo gaadiidka dagaalka ee beesha caalamka Soomaaliya ugu deeqday, waxaa markaasi waajib idinku ah idinkoo ah xildhibaanada iyo wasiirada beesha Biimaal inaad Mushaarkiina Hub ugu soo iibisaan isla markaasina laga mamnuuco deegaanada beesha Biimaal inay maraan Tikniko dowlad leedahay haddey ku soo dhiiradaan Baazuuke lagu abaal mariyo, beesha Biimaal waxaa ka dhamaaday dulqaadka.

Magaalada Marka oo ah xudunta deegaanada beesha Biimaal ma lagu fiirsan karo xaaladda ay ku sugan tahay maanta. Maamulkii degmada Marka wuxuu 3 sano xafiiskiisa ka fadhiisan waayey mooryaanta Hawiye oo magac Milateri sheeganeyso, Caqligiina ha shaqeeyo waxa baaba’aayo waa shacabkii aad magacooda Mushaar ku qaadaneyseen. Miyaadan ogeyn in magaalada Marka tahay magaalada ugu weyn ee Biimaal dego? Beel walbo waa loo madaxbanaaneeyey maamulka dhulka ay degto, maxaa diiday in maamulka degmada Marka looga dambeeyo dadkeeda? Xarumahii maamulka iyo Iskoolada ardayda wax lagu bari lahaa waxaa la dejiye Ciyaal Hawiye oo Milateri sheeganaayo. Xasan Sheekh waxaa ka dhamaaday xishoodkii, wuxuu rabaa inuu Biimaal garbaduub ugu qabto mooryaanta Habargidir ee dhibaatada ka waday gobolka Sh.hoose 25 sano.

Gabagabadii, xili kala guur ayaa lagu jiraa, waxaad u badan tihiin rag manfaco raadis ah oo aan dan ka laheyn dadka iyo deegaanada ay matilaan, sidoo kale waxaa idinku jiro rag ka xishoonaayo in lagu dhex arko fagaare looga hadlaayo qadiyadda deegaanada beesha Biimaal, ma loo baahna kuwaasi inay markale nagu soo laabtaan, ha ogaadaano inuu dhamaaday waagii Jago Biimaal la iibsan jiray sanadkaan wixii ka dambeeyo.

C/laahi Hurdaaye iyo Xasan Diirshe waa niman Abgaal iyo Habargidir ah, waa inaad u sheegtaan Xasan Garguurte inaan magaalada Marka looga baahneyn ciidan Hawiye sidaas darteed waa inay la laabtaan Hurdaaye iyo Diirshe, beesha Biimaal waxay leedahay saraakiil ciidan oo ka karti badan Hurdaaye iyo Diirshe, saraakiisheenna wey yaqaaniin  xuquuqda iyo ixtiraamka dadka laga tirada badan yahay ee magaalada Marka kula nool Biimaal.

Xildhibaanada Biimaal
Xildhibaanada Beesha Biimaal Ee Federalka

W/Q: Cabdiqaadir Ciise

Email: tukulush@yahoo.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE