Dhageyso Goos-Gooska Warbixin Dhawaan Aan Idin Soo Baahin Doonno Oo Aan Kaga Hadleyno Boobka Iyo Xasuuqa Lagu Haayo Shacabka Reer Shabeelada Hoose

Warbixinta oo aan idin soo baahin doonno hadii Alla idmo saacadah soo socda ayaa waxaan kaga hadlaynaa cid qaadeysa Mas’uuliyadda dhibaatada iyo boobka lagu haayo Shacabka kasoo jeeda guud ahaan Shabeelada hoose gaar ahaan Magaalada Marka.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa dhacdooyinkii hore deegaanka usoo maray iyo tii ugu dambeysay ee dhowr habeen ka hor lagu afduubtay ka dibna lagu gumaaday dad ka mid ah Shacabka reer Marka.waxaaad ku maqli doontaan warbixinta wareysiyo kala duwan oo aan ka soo qaadnay dad usoo joogay dhibaatada iyo boobka Mooryaanta.

Cabdulaahi Maxamed Gaab (Xubul) oo ka mid ahaa dadkii ay afduubteen Maafiyada Swiss kalmo ayaa ka sheekeyn doona wixii qabsaday saaxiibadiis iyo dareenka ay ku reebtay dhacadada uu kasoo badbaaday.

Wxaaa sidoo kale warbixinta soo socota aad ku dhegeysan  doontaan waxa sharciga islaamka uu ka qabo dhibaatada lagu haayo Shacabka oo Dowlada Muqdisho inta ay dabka ku shiday indhaha ka qarsatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran