Maqaal: Hadii Aad Duur Joog Ka Tahay Dadka Yaa Masuul Ka Ah?

Qof Walba oo masuul ah waxa uu masuul ka yahay dalkiisa iyo dadkiisa loogana baahan yahay in uu si cadaalad ah ugu shaqeeyo balantii iyo dhaartii uu u maray u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisana uu ka run sheego.

Somaaliya ayaa mudo ka badan 25 Sano ku jirtay dagaalo sokeeye kuwaas oo ka dhashay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale oo hada dhibaatooyin ay ku heestaan qaar kamid ah wadamada Caalamka welina ku adkeysanaya in ay sii joogayaan halkaas halka kuwo kale ay weli usii halqan taagayaan.

Ugu horeyn hadii aan u sii guda galo dulucda faaladeyda mudo kadib dalka ayaa waxa uu galay ka soo ka bsashada wixii dhacay Siyaasiyiin Somaaliyeed oo garab ka helaya tiro yar oo beesha Caalamka ah ayaa bilaabay dhisida dowladdo dhicisoobay ku waas oo loogu magacdaray ku meel gaar laakin bulshada Somaaliyeed geliyay rajo ay ka qabaan in la helo dowlad wanagsan oo meesha ka saarta niyad jabkii ay qabeen shacabka Somaaliyeed.

Dowlad walboo la dhisaa waxaa u soo baxay rag aad moodo in markii hore u diyaar sanaayeen ka hortegida dowladaas magacey doonaan ha wataane taas ayaana keentay in la waayo.

1.,,Dal xasiloon oo Nabad iyo baraaro lagu noolaado.
2,,,Dal,cadaalada lagu dhaqmo madax iyo shacabba.
3,,Dal,,dadkiisa ay is jecel yihiin kuwa gudaha iyo dibadda intaba.
4,,Dal aduunka qiimo ku leh oo xooggiisu adag yahay.

Iyo Dal udhowrsan yahay hantidii qarankiisa uu lahaa in taas oo dhan hadii la helo ayaan noqon laheyn kuwa aaduunka kaalmaha hore kaga jira.

Masuul walba oo qabta xil dowladeed ayaa inta uu xilkaasi haayo waxaa leys weeydiiyaa kan kii hore ma dhaamaa dadka qaarkood ayaa ku tilmaama in uusan ku wanagsaneyn in uu dalkaan madax ka sii ahaado majirto cid la sameyso wada tashi si uu isbedel u sameeyo waxaase jira dad ku agnool oo uun fiirsanaya dhaqaalaha yar ay ka helayaan masuulkaas.

Xukuumad walbo oo dalka ka dhalata waxaa ka dhex muuqda dad ku cusub Siyaasada iyo kuwo horay magac ugu lahaa qof walbana waxa uu leeyahay dan gaar ah sida mid dhaqaalo doon ah,mid Magac raadis ah,mid u shaqeeyo ama u adeega dad kale intaas oo is biirsaday ayaa dalka Somaliya u horseeday in la waayo qof masuul ah oo ku guuleesta dadkiisa iyo dalkiisa in ay helaan amaan lagu kalsoonaan karo.

Caasimada dalkeena Somaaliya oo ah mida qof walbo oo Somaali ah uu ku faano ayaa waxa ay ka kooban tahay 17 degmo waxaana degmo walbo ay leedahay gudoomiye iyo ku xigeenadiisa iyo taliyaal ciidan kuwaas oo laga sugayo in shacabkooda ay deeqsiiyaan baahiyo ay kamid yihiin Amni,Caafimaad,Waxbarasho iyo waxwalbo oo bulshada muhiim u ah waxaase isweeydiin mudan intaas aan soo sheegay yaa diidan in ay bulshada helaan jawaabta ayaan ka sugeynaa shacabka Somaaliyeed oo mar walba u nugul dhibaatada koowaad ee dalka ka jirta kuna dhaceysa mida ugu horeysa ee Somaaliya ka dhacda.

Marka aan u soo laabto masuuliyada qofka masuulka ah saaran ayaa inta badan ah mid aan ugu fadhinin qiimo sidaas u weyn oo aad moodo in waxyaabo kale lagu mashquulo oo ah kuwa laga fiirinayo maxaa kaa soo geli karo hadii aad sidaas sameyso maxaa isbedel ah aad sameyn kartaa adigoo ka faa’iideysanyaayo fursada qaaliga ah ee laguu gartay waa xilkee madaxda qaarkood ayaa maciinbida deegaan ay isleeyihiin way ka wanagsan tahay midda aad masuulka ka tahay taas ayaana u baahan in leys weeydiiyo.

Ugu dambeyn bulshadaada ayaa ah kuwo kaaga baahan in aad u soo dhicisid xaqa ay ku leeyihin degmadaada ka ilaalinta cid kasto oo iskudayda in ay qalqalgeliso amnigiisa Nadaafadiisa guud iyo ku abuurida bulshada aad madaxda u tahay in ay dhibaato kuu maleegaan balse mudane aan ku weeydiiyee

 

HADII AAD DUUR JOOG KA TAHAY DADKA YAA KA MASUUL AH?

W/Q/ Wariye C/qaadir Maxamed Nuur Jakaarta.
Email: jakaarta224@gmail.com
Tel: 0615827669 ama 0617243127

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran