Maqaal: Beesha Biimaal Waa Rati Ama Awr Hal Dhinac Ka Raran!

Ma rabo inaan weedhooyin horudhac ah kuugu daaliyo, balse waxaan rabaa inaan toos u abaaro dulucda qoraalkeyga oo ku saabsan dagaalka lagula jiro maafiyada Habargidir iyo mooryaanta dulmiga ku garab taagan si ay u dhibaateeyaan shacabka iyo deegaanada beesha Biimaal ee gobolka Shabeelaha hoose. Deegaan walbo dadka iska leh ayaa cadowga ka difaaci karo, dadka dulman ee rabo inay wax iska difaacaan waa inay leeyihiin isku duubnaan, aragti iyo hadaf mideysan.

Beesha Biimaal gaar ahaan shacabka Biimaal ee ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolka Sh.hoose wey dadaaleen gaar ahaan dhalinyarada hubka u qaadatay inay karaamadooda iyo nasabkooda ka difaacdaan mooryaanta hororka ah ee soo duushay balse beesha waxaa horumarkeeda curyaamiyey labada qodob ee aan hoos ku sharaxaayo:

1- Odeyaasha dhaqanka beesha Biimaal waxay noqdeen kuwoo dhalin-rogmay oo aan ku tilmaami karno xiligan Maafiyo Muqdisho wareegeyso oo hadafkooda yahay “Fadlan Lacag Ku Shubo”, wax dan ah kama lahan deegaanada iyo shacabka beesha Biimaal ee ay magacooda albaab walbo ku galaan, waxay maalin walbo raadinayaan shilimaad iyagoo adeegsanaayo magaca Biimaal. Maanta waxba ma ka sheegi lahayn odeyaashan haddii ay ka jawaabi lahaayeen oo kaliya hadaladii hanjabaadda ahaa ee shacabka Biimaal warbaahinta u mariyeen kaabo mooryaanada Habargidir ee kala ah C/laahi Khaliif Rooble iyo Axmed Diiriye. Xeerka ay ku dhaqmi jireen dadka Soomaalida ayaa ahaa in haddii uu Odey hanjabaad u diro beel kale waxaa u jawaabo odey kale oo beesha loo hanjabay ka tirsan, balse Biimaal odeyaashii xil dhaqameedkiisa ku magacownaa midkood fariin jawaab ah uma dirin Axmed Diiriye  iyo C/laahi Khaliif Rooble. Gudoomiye Yariisow iyo Waafow khayr Allah siiyee wey ka jawaabayeen hanjabaad walbo oo mooryaanta ka imaaneysay weliba waxay isuga dareen jawaab Af iyo Ficil ah balse howshooda ma ahayn inay iyaga jawaabaan ee waxay waajib ku ahayd jawaabta odeyaasha Biimaal ugu magacaaban Suldaan, Ugaas, Faqi iyo Nabadoonada kale.

2- Siyaasiyiinta beesha Biimaal ee shacabkeena ku matalaayo labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxay iyagana ka mid yihiin kuwa Cuuryaaminta ku haayo shacabka beesha Biimaal. Bal u fiirso, Ciidamo beeleed shaati dowladeed xiran ayaa shacabka iyo deegaanada beesha Biimaal loo soo dirayaa si ay u soo gumaadaan shacabka Biimaal iyadoo la adeesanaayo hubka dowladda, xildhibaan ama wasiir Biimaal oo xataa ka hadlaayo ma arkeysid! Ciidamo beeleed Hawiye ah isla markaasina shaati dowladeed xiran ayaa saldhig ka sameysanaayo Iskuulada iyo Isbitaalada degmada Marka sidoo kale indhaha ayey ka fiirsanaayaan! Dhalinyaradii Biimaal oo hubkooda wato ayey dowladda Muqdisho diiday in lagu biiriyo ciidamada dowladda si ay shacabkooda dulmiga uga ilaalsadaan, ma jiro xildhibaan ka dhiidhiyey dulmigaasi! Maalin walbo shirqoollo shacabka Biimaal lagu dabar-goynayo ayey mooryaanta oo kaashaneyso dowladda Muqdisho soo abaabuleysaa iyadoo xildhibaano iyo Wasiiro Biimaal meeshaasi fadhiyaan, Ciil Badanaa!.

Haddii aan isla garowsanay in arimahaan aan soo sheegay run yihiin, miyeysan beesha Biimaal ahayn “Rati hal dhinac ka Raran”? Ratiga ama Awrka hal dhinac ka raran meel dheer ma gaaraayo wuu daadinayaa rarka goortey noqotaba. Maanta Biimaal hal dhinac ayuu ka raran yahay, haddii aan la helin Odey dhaqameed iyo siyaasiyiin miisaan leh oo difaacaayo deegaanadooda isla markaasina garab u noqonaayo Dhalinyarada dagaalka kula jirto mooryaanta isa soo baheysatay ma jiri doono horumar iyo nabadgelyo mustaqbalka dhow la tiigsanaayo.

Gabagabadii: Beesha Biimaal haddii ay rabto horumar iyo nabadgelyo ka dhalato dhulkeeda waa inay wax ka bedeshaa odeyaasha dhaqanka xiligan jiro iyo Siyaasiyiinta ku matali doono labada gole ee dowladda kuwaasoo dib loo soo xuli doono sanadkan 2016-ka dhammaadkiisa. Soomaalida waxay ku maah-maahdaa “Mar I Dage Alle Ha Dago, Labo Jeer I Dage’se Anigaa Is Dagay” sidaasi darteed inta badan xildhibaanada iyo wasiirada beesha Biimaal ee 4 tii sano la soo dhaafay ugu jiray labada gole ee dowladda wax faa’ido ah ma lahan haddii ay soo laabtaan.

 

W/Q: Abuukar Qataarte

Email: Qataarte@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran