Maxaad Ka Taqaanaa Guutooyinka Maleeshiyaadka Dowladda Ee Gobolka Sh.hoose Qaabilsan Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan?

Dadka gobolka Sh.hoose waxay ka dagaalamayaan Dulmi magac dowladeed lagu fulinaayo, waxaa reer Sh.hoose loo diiday in maamulka dhulkooda loo madax banaaneeyo. Waxay dowladda u soo dirtay Saraakiil aan gobolka u dhalanin oo burcad ah, waxaa reer Sh.hoose loo diiday inay ka mid noqdaan ciidamada dowladda si ay maamulka degmooyinkooda u xasiliyaan.

Dadka Soomaaliyeed qaarkood waxay is weydiinayaan sababta beelaha gobolka Sh.hoose qaarkood u dagaalamayaan iyadoo dowlad ay ka jirto magaalada Muqdisho oo gobolka u dhow. Haddii aadan waxba kala soconin nooca iyo haybta ciidamada dowladda Muqdisho u soo dirtay gobolka Sh/hoose waxaa adag inaad fahamto sababta dadka Sh.hoose qaarkood u dagaalamayaan.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dowladda u qaabilsan labo guuto oo kala ah: Guuto 3-aad iyo Guuto 5-aad, waxay labadan guuto hoostagaan Qaybta 12-ka April ee uu xiligan taliye u yahay Maxamed Maxamuud Saney(Abgaal) oo lagu bedelay horjooge Maxamuud Qaafow(Abgaal).

Guuto walbo waxay ka kooban tahay dhowr Urur, Urur walbo wuxuu leeyahay Taliye.  Bal hoos ka akhriso markale Taliye-yaasha labadan guuto ee dowladda Muqdisho u soo dirsatay Sh.hoose iyo horjoogeyaasha Ururada ciidan ee mid walbo leedahay.

Guuto 3-aad

Taliyaha Guuto 3-aad: Maxamed Rooble Goobaale (Habargidir)

Taliye-yaasha Ururada ciidan ee Guuto 3-aad

1- Xasan Jaamici (Habargidir)

2- Yuusuf Cagey (Gaaljecel)

3- Liibaan Madaxweyne – Waxaa lagu bedelay  C/lahi Cismaan Diktoorka (Habargidir)

4- Gambaleel(Habargidir)

5- Laba Afle (Habargidir)

……………………………………….

Guuto 5-aad

Taliyaha Guuto 5-aad: C/laahi Cusmaan Cagey (Xawaadle)

Taliye-yaasha Ururada ciidan ee Guuto 5-aad

1- Axmed Absuge (Abgaal)

2- C/laahi Hurdaaye (Abgaal)

3- Xasan Diirshe (Habargidir)

4- Juuni (Abgaal)

5- Waran (Murusade)

 

FG: Waxaa dhici karto inaan is dhaaf-dhaafinay magacyada taliye-yaasha guutooyinka iyo kuwa ururada qaarkood waayo  Mar walbo wey isku shaandheeyaan magacyada balse wax is bedel ah ma jiro.

Ma ku jiro hal sarkaal oo u dhashay beelaha gobolka Shabeelaha Hoose, dhammaantooda waa mooryaantii Hawiye oo magac dowladeed wato, taasina waa midda ay ka dagaalamayaan beelaha Shabeelaha Hoose qaarkood.

 

Editorial

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran