Caluula: Caruur Soomaaliyeed Oo Maalin Kasto Badda Dhexmaro Si Ay U Gaaraan Dugsiga Ay Wax Ka Bartaan(Video)

Deegaanka Xaabo waxaa uu ka tirsan yahay degmada Caluula ee gobolka Bari. Deegaankani waxaa uu aad uga fogyahay adeegyada bulshada, nolosha dadka waxay ku tiirsan tahay Kuluumeysi iyo dhaqashada xoolaha.

Dadka ku nool Tuulada la yiraahdo Dayaxa oo ka tirsan magaalada Xaabo ayaa dhibaato gaar ah ku qaba nolosha halkaasi, caruurta ku nool tuuladan ayaa maalin walbo waxbarasho u doonto Iskuul ku yaallo Xaabo iyagoo dhexmaraayo Badda oo ku hareereysan Tuulada Dayaxa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran