Dhageyso Wasiirada K/Galbeed Oo Riyo Maalmeed Ku Jiro! Xagee Ku Ogyihiin Gudoomiye Degmo Oo Maamulka Degmadiisa U Madax Banaan Gobolka Sh.hoose?

Wasiirada maamulka K/Galbeed ayaa riyo maalmeed ku jiro haddaad u fiirsato hadaladooda. Wasiirka maaliyadda K/Galbeed Sheekh Xasan Ibraahin oo warbaahinta la hadlaayey ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolada K/Galbeed laga rabo inay sugaan amniga degmooyinkooda iyo inay Isbaarooyinka ka qaadaan.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa intooda badan waxay ka shaqeyn waayeen maleeshiyaadka Hawiye ee magaca Milateriga sheegto  sida degmooyinka Marka iyo Afgooye. Maamulka K/Galbeed oo la filaayey in reer Sh.hoose kaga nafisaan dhibaatada mooryaanta Hawiye ayaaba qayb ka noqday duulaanka mooryaanta ku haayaan dadka Sh.hoose.

Sheekh Xasan Ibraahim ayaa u maleeyo in maamulka K/Galbeed uu kaliya ka kooban yahay labada gobol ee Bay iyo Bakool oo degmooyinkooda ay ka taliyaan dadkii u dhasha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE