Ilayn Madaxtooyadu Waa Xabsi , Madax-Waynuhuna Waa Maxbuus! W/Q: Qareen Khadar Aar

Lix arimood oo ay iska shabahaan Madaxwaynaha iyo Qofka Maxbuuskii :-

1 .Qofka Maxbuuska Maxkamad ayaa Xukunta Sanado Go’an ,sida:- 4 -5-6 Sano iwm si Danbiyadii uu galay loogu ciqaabo .

=Sidoo kale Madaxwayne kasta oo la Doorto inta aanu Xilka qaban Maxkamad ayaa dharisa Sanadaha uu Xilka haynayo haday tahay 5 amma 4 iwm .

2.Maxbuusku wakhtiga oo Xabsiga (Jeelka)ku jiro hadaad is tidhaa booqo waa lagu badhayaa .

=Sidii kale Madaxwaynahana hadaad Gurigiisa ku booqato Baadhis xoogle ayaad maraysaa .

3.Maxbuusku mararka qaar waxa loo saara Suuqa , si uu kaalmo iwm uga raadsado Saxiibo iyo dad kusoo booqan wayay Xarunta Xabsiga ,kadibna waxaa la raaciya Cidan gaar ah, loomana ogolaado xiliga uu Suuqa dhexmarayo in uu Qofkastaba Salaamo.

= Sidoo kale Madaxwaynahu mararka qaar ayuu Suuqyada usoo Baxaa, waxana soo raca Ciidamo gaar ah ,loomana ogola xiliga uu Suuqa dhex maraayo in Qofkastaba salaamo .

4. Maxbuuska Cunta kasta oo Dibada looga keeno waa laga hubiyaa si aan Maxbuuska Dhibato ugasoo gaadhin ,inta badana waxaa la siiya Cunto u gaar ah oo Jeelka loogu kariyo .

=Sidoo kale Madaxwaynuhuna ma Cuno lamana siiyo Cunto aan si gaar ah loogu karin ,balse waxaa dhacda wakhtiyada qaar in Madaxwaynahu Goob aan ahayn Gurigiisa in uu wax ka Cuno ,balse Cuntadaasi waa la hubiyaa .

5. Maxbuusku Dadka kuma Booqdo Guryahooda iyo goobaha ay joogan ,Lakiin isaga waxaa lagu soo booqda Xabsiga amma Jeelka .

= Sidoo kale Madaxwaynuhu inta badan Dadka ay Asxaabta amma Qarabada yihiin kuma booqdo Guryahooda ,lakiin isaga waxa lagu soo Booqda Madaxtooyada !!

6. Maxbuuska marka Mudada Xadhigu ka dhamaato waxa uu soo dhex galaa kana mid noqdaa Dadwaynaha .balse waxaa ku adkaada u nolosha si dhakhsa uu ula qabsaado .

= Sidoo kale Madaxwaynahana marka ay ka dhamaato mudada uu hayay Madaxnimada Dalka ,waxaa ku adkaada in uu Nolosha Bulshada la qabsado kadibna inta badan Dalkaba way ka dhoofaan .

7.Maxbuusta Tariikh iyo uur-ku’taalo ayay ku reerbaa Xadhigii Sanadaha ahaa ee uu Xidhnaa markasta oo uu xaruntii Xabsiga amma Jeelka uu ag-marayana Xasuus dheerada ayay u leeday

=Sidoo kale Madaxwaynaha markasta oo uu soo hor maro Xaruntii Madaxtooyada ee uu Xafiiska ku lahaa waxa ay Xasuusisaa Tariikh lama ilawaana .

Akhris-tow iyada oo Caynkaasa ayaa Waxaa wakhti badan iyo dhaqale badan lagu lumiyaa in Madaxwayne amma Raysal-wasaare la noqdo ,Ninka doonaya in uu Madaxwayne noqdo waxa uu u marayaa dariiq kasta oo uu isleeyahay waxa aad ku gaadhaysaa Guusha Madaxwane nimada ,mararka qaar waxaba laga yabaa in ay ku kalifto in uu cid ku Dilo amma isaga lagu dilo Naftiisana qaaligana uu ku waayo.

Hadaba Malin Maalmaha ka mida ayaa waxa Magalo Afrika ku taala waxaa ka dhacday in Nin ka mida ragii Madaxwaynaha codka siiyay , ayaa waxa uu damcay in Maanta uu soo salaamo soona booqdo Madaxwaynahii uu Codka siiyay Bilihii lasoo dhaafay .

Waxa uu tagay Xaruntii Madaxtooyada , Albaabka markii uu istagay ayaa sida cadada inoo ah waxaa kusoo Cararay Raxan ilaaladii Madaxtoyada ah,iyada oo laga shakisan yahay Ninkan aan Gadhiga wadan ,isla markana aan Xidhnayn Labiskii Madaxda lagu yaaqanay ee Suudhka iwm .

Waxa uu markiiba la kulmay Hanjabado kadibna inta la qabtay ayaa Tin iyo Cidhib waa la baadhay ,markii waxba laga waayay ayaa waxa lagu yidhi ,meeshan maxaad kasoo doontay.

Waxa uu yidhi waxaan ahaa Dadkii Madaxwaynaha Codka siiyay ,waxaan rabay in aan Maanta arko oo aan soo Salaamo .

Nimankii Madaxtoyada ilaalinayay Waa ay la yaabay Ninkan isla Laafyonaya ee Cadaygiisa iska sita ee ku leh Madaxwaynaha ayaan Salaan ugu imi !!

Kadibna Waxa ay ugu jawaabeen , LAYSUMA OGOLA OO MEESHANI WAA MADAXTOYADII HADANAD HALKAAS KA BIXINA WAANU KU XIDHI !!

Fajac iyo Ama-kaag ayay ku noqotay in Madaxwaynihii dhamaa ee Dalka ee uu codka siyay maalin dhana uu safka u taagna in sidaa hawsha yar looga celiyo iyada oo dhibato aad u badana lasoo gaadhsiiyay ,kadibna inta uu ka dhaqaaqay ayaa waxa uu yidhi eraygan Hal-kudhigaa :-

WAAR ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS.

W.Q : Qareen/ Khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE