Wasiiro Ka Tirsan Maamulka K/Galbeed Oo Maanta Degmada Afgooye Ku Shiray (Sawiro)

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka furmay barnaamij loogu magac daray “Bilic Soo Celinta Degmada Afgooye” kaasoo ay ka soo qayb galeen wasiiro ka tirsan maamulka K/Galbeed.

Sida xogta aan heleyno sheegeyso, C/qaadir Nuur Caraale oo ka mid ah Mooryaanta dhibka ka wado gobolka Sh.hoose isla markaasina Shariif Xasan uu ku abaal mariyey inuu Wasiir ka noqdo K/Galbeed ayaa Barnaamijkaan Afgooye laga fulinaayo soo dhameystay, waxaa abaabulka Mashruucaan maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga dareemaayey.

Hay’ado Caalami ah ayaa barnaamijkan maalgelinaayo, waxaana barnaamijkan loo salaxayaa C/qaadir Nuur Caraale oo waqtigiisa qaraabashada uu yimid.

Shacabka degmada Afgooye iyo guud ahaan shacabka gobolka Sh.hoose ayaa xiligan u baahan in laga dul-qaado mooryaanta Hawiye markaasi kadib loo gudbo wixii mashaariic horumarineed iyadoo dadka ay dareemayaan madax banaani buuxdo.

Degmada Afgooye oo dadkeeda ay ku sugan yihiin xaalad gambasho aan la ogeyn xiliga ay dhamaaneyso ayaan waxba kala soconin Shaxda lagu dul ciyaaraayo deegaanadooda iyadoo magaaladan daafaheeda iyo gudaheeda ay daadsan yihiin Isbaaro u taallo mooryaan caan ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE