Wax Ma Ka Ogtahay Waayaha Haysta Wiilka Wabiga Daaciisa Yaal?

Dadka Soomaaliyeed Ee soomaali Baantuu waxay had iyo jeer ku noolyihiin dhulka dhoobeeyda lo yaqaan Ee biyaha leh waana dad ku caana wax soo saarka beeraha waxaa iyana jira qaybo ka mid ah oo ku nool magalooyinka kuna caana wax soo saarka farsamada gacanta intaa waxaa u dheer astamaha lagu yaqaan waa dad shaqo jecel oo ka faana shaxaadka iyo tuugsiga dhaca boobka dadka qabyaalada iyo IWM.

Hadaba Somali maxaad ka ogtahay dhibka lagu hayo dadka sida u fican
Dad badan oo Somali ayaa aaminsan in Aan laga guursan Karin gabadhna la siin Karin dad badan ayaa aaminsan inaan xil muhiim ah loo dhibi Karin dad badan ayaa aaminsan inay somalida kale ka hooseeyaan.

Maxa ka mid ah kalmadaha xun xun ee had iyo jeer lagu yidhaa
(1) adoon
(2)Sanweyne
(3)Time xume, timo jidhiidh
(4)Looma ooyaan
(5)La hayste
(6)Laangab
(7)Waxad tahay .5

Xaquuqaha Aan lo ogalayn waxaa kamid ah
Xilalka muhiimka ah
Sida madaxweyne Guddoomiye barlamaan
Wasiirada tunka weyn
Taliyayaasha ciidamada
Guddoomiyaha maxkamada sare IWM.
Guurka hadii uu caashaqo gabadh Ama ay caashaqdo qof qabiilooyinka kala ah
Shaqooyinka muhiimka ah Ee Gaar ka loo leeyahay sida maamulida xawaldaha (general manager) IWM.

Hadaba sidee dhibka intaa leeg Ee walaalaheen Aan ku hayno lo joojin karaa bal fikirkaaga ka dhiibo.

Anigu waxan leeyahay Waan ka xumahay walalayaal dhibka la idinku hayo waxanan intaan noolahay ka shaqayn doonaa sidii Aan u fahansiin lahaa umadda soomaalida foolxumada arintan.

G……Ururka C&S..SIME
Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran