Daawo Jaahilnimada Axmed Diiriye Iyo Xaad “Qofkii Aan Beesha Hawiye Aheyn Muqdisho Wuxuu Ku Yahay Marti” (Video)

Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad oo marwalbo laga maqlo afkooda iyagoo xisaab qaldan isku darsanaayo ayaa maanta odeyaal ku kulmiyey Hotel Muqdisho ku yaalo. Hadafka kulanka ayaa ahaa in beelaha Banaadiriga iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed laga boobo milkiyadda magaalada Muqdisho.

Sanadihii la soo dhaafey ayey labadan odey ee jaahiliinta ah warbaahinta ka sheegan jireen in gobolka Sh.hoose ay  80% beesha Hawiye iyadoo la xasuusto in gobolka Sh.hoose aysan jirin degmo nin Hawiye gudoomiye ka yahay.

Sidoo kale, isla odeyaashaan ayaa markii ugu horeysay ee ay maqleen in Soomaaliya qaadatay nidaamka Federalka waxay warbaahinta ka sheegeen in beesha Hawiye degto Gaalkacyo ilaa Kismaayo, taasoo ay la fajaceen dadkii Soomaalida ahaa ee dhulka yaqiinay!

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran