Jubbalanad Oo Marti Gelisay Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliya

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose waxaa ka furmay shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo ay ka qeybgalayaan dhalinyaro tiradooda gaareyso ilaa 100 ruux oo ka kala timid daafaha dalka.

Ururka dhalinyarada Jubbaland iyo wasaaradda arrimaha bulshada oo soo qaban qaabiyey shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna soconayaa muddo 4 maalmood ah.

Dhalinyarada ayaa ka kala yimid Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo labada gobol ee hadda maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh.dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE