Kulan Magaalada Muqdisho Looga Dhigaayo Magaalo Hawiye Oo Magaalada Muqdisho Ka Dhacay (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan isugu yimid odeyaal iyo qab-qableyaal ku qaraabto magaca Hawiye. Qab-qableyaashan oo caan ku ah oraahda “Ku Qabso Ku Qadimeyside”ayaa xiligan hammigooda yahay inay sheegtaan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen qab-qableyaasha Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye ayaa ah mid lagu carqaladeynaayo qorshe IGAD iyo Beesha Caalamka u diyaarinayaan magaalada Muqdisho kaasoo magaalada Muqdisho loogu aqoonsanaayo beelaha Banaadiriga oo asal u leh gobolka Banaadir. Beesha Abgaal ayaa noqoneyso beesha kaliya ee  Hawiye ah isla markaasina xuquuq gaar ah ku yeelanayeso gobolka Banaadir sida qorshaha la diyaarinaayo yahay.

Qab-qableyaashan ayaa Hotel magaalada Muqdisho ku yaallo isugu keenay odeyaal kale, waxay u yeerteen saxaafadda iyagoo sheeganaayo in magaalada Muqdisho tahay magaalo ay leedahay beesha Hawiye sida ay sheegteen, waxay inkireen beelaha Banaadiriga iyo beelaha Soomaalida kale ee si baaxad leh ugu nool gobolka Banaadir.

Tan iyo markii dalka Soomaaliya qaatay nidaamka Federalka oo la bilaabay dhismaha Jubbaland iyo K/Galbeed ayey Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad isku dayeen inay carqaladeen, waxay abaabuleen maleeshiyaad iyaga ka amarqaato oo xataa dagaal ku qabsaday magaalada Marka balse wey ku hungoobeen maamul mooryaaneedkii Shabelle State.

Sidoo kale, Waxaa lagu xasuustaa Xaad iyo Axmed Diiriye Fowdadii iyo jahowareerkii ay geliyeen dhismaha Jubbaland ilaa markii dambe ay garta goysay IGAD iyo dowladaha Jaarka ah. Arinta hadda ay ka wadaan gobolka Banaadir ayaa noqoneyso mid la mid ah ajendayaashii indha la’aanta ahaa ee ay ku soo fashilmeen.

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xiligan waxaa dhammaantooda maamulaayo heer gobol ilaa heer degmo xubno beesha Hawiye u dhashay marka laga reebo degmada Xamarweyne oo beelaha Banaadiriga gudoomiye ka yihiin.

1 2 3 4 5 6

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran