Maamulka Jubbaland Oo Loo Tababaraayo Ciidamo Booliis Ah Oo Aad U Tiro Badan (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo tababar 3 bilood soconaayo uga furmay ciidamo cusub oo ka mid noqonaayo Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamadan Booliiska ah oo ay tababarrayaan saraakiisha AMISOM ayaa tiradooda waxay gaarsiisan tahay 200 sarkaal oo isugu jiro Rag iyo Dumar.

Wasiirka Amniga Jubbaland General Maxamed Faarax Warsame Darwiish oo ka hadlay munaasabadda tababarka loogu furaayey ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in marxaladaan ay gaarto Jubbaland.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE