Madoobe Nuunow Oo Talaabo Ay Ku Farxeen Shacabka Degmada Afgooye Qaaday (Sawiro)

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose xafiis ka furtay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Ee Dowlada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Ee Koonfur galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiiro kale iyo Waxgaradka Magaalada Afgooye ayaa munaasabadda furitaanka xafiiska hadallo kala duwan ka jeediyey.

Wasiirkada iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka K/Galbeed ayaa xiligan dareemay ahamiyadda dhaqaale ee magaalada Afgooye taasoo keentay in mas’uul walbo xafiis ka furto degmadan dadkeedda mooryaanta cadaabtay.

Waa talaabo horumar leh haddii mas’uuliyiin jilib culus ay soo dhex degaan shacabka ay matalaan dhexdiisa, waxaana la rajeynaa in arintaan ay khafiifin doonto ficilada waxuushnimada ah ee mooryaanta kula dhaqanto reer Afgooye.

Isha Sawirada: Iidale

142 132 113 102 094 046 056 065 074 083 036 028 018

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran