Mashruucii Afgooye Oo Ay Ka Qeyb Galeen Mooryaan Ay Ka Midyihiin Cabdul iyo Khaliif Rooble Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyey

Shir qarsoodi ah oo maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu kala saxiixday qodobo hordhac u ah dabin la doonayo in loo dhigo Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Sida aan ku helnay warbixinno, waxa Afgooye Maanta ka dhacay shir ay soo agaasimeen qab qablayaal iyo kaaba Mooryaano Habar gidir ah kuwaas oo doonaya in waji cusub ay u yeelaan duullaanka ay ku qabsadeen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose.

Mashruuc loogu magac daray “dib u heshiisiin” oo uu watay Wasiir ka mid ah Maamulka Mooryaaneedka Shariif Xasan kaas oo lagu Magacaabo Caarle, ayaa la tilmaamayaa in shirkan uu qeyb ka ahaa.

Mooryaan Gacan ku dhiigle Cabdul, Mooryaan Cabdulaahi Khaliif Rooble, Mooryaan Diirshe iyo kuwo kale oo magacyadooda aan helin ayaa ka qeyb qaatay ruwaayada Mashruuca ah ee lagu jilayey Afgooye, sidoo kale warbixinta aan helnay ayaa ah in koox uu hogaaminayo Ibraahim Cali Xaaji ay tageen Afgooye si ay dhankooda uga bisleeyaan Mashruuca Caraale uu wato.

Shirarkan ayaa sida la sheegay lagu soo sheeko qaaday arimo ay ka mid yihiin sidii markale dib loogu soo celin lahaa arimhii dib u heshiista ee u dhaxeeyey Mooryaanta Habar gidir iyo Dadka deegaanka, waxa labada dhinac ay goobta ka sheegeen in ay diyaar u yihiin fulinta Mashruucayada Koonfur galbeed ee la xiriira lug-gooyada iyo dabinta loo dhigayo Shacabka Shabeelada hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in leysku af gartay qodobo gaaraya ilaa 15, qodob oo ay ku jiraan qodobadii lagu hungoobay fulintooda ee horey loo sheegay in ay ku heshiiyeen kaaba Mooryaan Mataleysay habar gidir iyo Calooshooda u shaqeystayaal sheegta inay kasoo jeedaan Beesha Biimaal.

Wareysi warbaahinta uu siiyey fuliyaha Mashruuca Afgooye Cabduqaadir Caraale ayuu ku sheegay in Afgooye ay u joogaan sidii markale leysugu dayi lahaa in xal laga gaaro colaada ka jirta Shabeelada hoose, “waa sida uu isaga aaminsanyahay oo ah in Mooryaanta loo daayo boobka iyo bililiqada ay ku hayaan shacabka”.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed oo ku sugan Afgooye ayaa intay meesha gaarin sheegay in halkaas loo tagi doono seddax qodob oo ka taagan Gobolka loona baahanyahay in Koonfur galbeed ay wax ka qabato.

Qodabadaas waxay kala ahaayeen 1-wax ka qabashada arimaha Abaaraha, 2- ku dhwaaqidda xerooyin tababaro lagu siinayo Ciidamada Daraawiishta Shabeelada hoose oo laga hirgelin doono Ceeljaale iyo Nambar 50 iyo qodobka ugu dambeeya oo ahaa in dib loosoo celiyo wadahadaladii u dhaxeeyey Mooryaanta iyo Calooshooda u shaqeystayaasha.

Iyadoo weli Afgooye ay ku suganyihiin Xildhibaanada iyo Wasiirada weli leyskuma soo hadal qaadin arimaha ay ka midka yihiin Tababaridda Ciidanka deegaanka iyo arimaha Abaaraha. Ujeedada loo tagay Afgooye ayaa aheyd kaliya in goobtaas lagu fuliyo Mashruuc dhaqaale oo laga soo qaaday NGO-yada UN-ka ee daneeya arimaha wadahadalada,

Fulinta Mashruuca oo u xil saaran Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka ayaa ka qeyb galayaasha shirarka waxay Markacadey.com u sheegeen in Shariif Sakiin uu soo qaatay howshan si dhaqaale badan markale uu uga helo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran