Muwaadiniin U Dhashay Dalalka Mareykanka Iyo Ingiriiska Oo Weli Lagu Dhex Haysto Diyaaraddii EgyptAir Ee La Afduubtay

Waxaa saakey nin hubeysan uu afduubtay diyaarad ay leedahay shirkadda Egypt Air ee laga leeyahay dalka Masar taasoo ka duushay garoonka diyaaradaha Alexandria ee isla Masar ka tirsan.

Ninkii diyaaradda afduubtay ayaa duuliyihii diyaaradda ku qasbay inuu ku dejiyo Jaziiradda Qubrus. Rakaabka diyaaradda saaran ayaa lagu qiyaasay 81 ruux.

Qoraal ka soo baxay maamulka shirkadda Egypt Air ayaa lagu sheegay in ninkii afduubka geystay uu soo fasaxay 55 ruux oo u badan Caruur iyo Haween isagoo diyaaradda ku dhex reebtay 10 qof oo Mareykan ah iyo 8 qof oo Ingiriis ah.

Ma la aqoonsanin ilaa hadda hadafka uu lahaa shakhsiga afduubka u geystay diyaaradda Egypt Air.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE