Qaramada Midoobey Oo Dhaqaale Badan Ugu Deeqday Abaaraha Somaliland

Qaramada Midoobay ayaa abaaraha Somaliland ugu deeqay 11 milyan dollar si wax loogu qabto ku dhawaad 224,000 oo ruux oo abaaraha Somaliland ay saameeyeen.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan isu-duwidda arimaha bani’aadanimada ee UNOCHA ayaa sheegay in dhaqaalahaasi wax loogu qaban doono dadka abaaraha ay saameeyeen Somaliland.

Xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa la sheegay iney tahay mid ugu daran ee xiligan ka jirto geeska Afrika, waxaana lagu qiyaasay dadka mucaawinada u baahan 4.7 milyan oo ruux kuwaasi oo 40% u baahan caawinaad cunto.

Deeqdan lacageeed ayaa wax badan ka bedeli doonto abaaraha Somaliland iyadoo nabadgelyada Somaliland ka jirto dhiiri gelineyso hay’adaha gaargaarka Caalamiga inay si caadi ah uga howlgalaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran