Cabsi Laga Qabo In Ciidamada Burundi Ee AMISOM Ay Isbaaro Dhigtaan Kadib Markii Lagu Dhawaaqay In Mushaarka Laga Jaraayo

Ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Somalia(AMISOM) ayaa waxaa soo wajahayo cadaadis kaga imaanayo Midowga Yurub kaasoo ah in laga jaro lacagihii Mushaarka.

Dalka Burundi waxaa ka jiray qalalaase siyaasadeed soo shaac baxay kadib markii uu madaxweynaha dalkaasi isasoo sharaxay mar sadexaad in la soo doorto taasoo aan sharci ahayn isla markaasina aan waafarsaneyn sharciga dalka Burundi.

Reer Yurub oo Culeys siyaasadeed iyo mid diblomaasiyaad oo dhinac kasta ah oo ay saareen madaxweynaha Burundi ayaan waxba soo kordhinin, markan waxaa usoo baxday reer galbeedka iney culeysyo kale saaraan Burundi si loo jilciyo madaxweynaha kali taliska ah.

Ciidamada Burundi ee shanta kun iyo Afarta Boqol ah ( 5,400) ee AMISOM ka tirsan oo laga gooyo Mushaaraatka iyo gunnooyinka ayey reer Galbeedka is tusiyeen inay tahay aalad kale oo cadaadis lagu saari karo dalka Burundi si uu madaxweynaha uga tanaasulo inuu markale isu soo sharaxo madaxtinimo.

Waxyaabaha ka imaan kara hadii Midowga Yurub uu ka dhabeeyo Go’aankaas waxaa kamid ah in ay geeystaan Gabood falo ka dhan ah Xuquuqda aadaha iyo in ay sameeyaan waxyaabaha ay ku kacaan maleyshiyaadka dowladda Soomaaliya oo ay dhigtaan Isbaaro ama wax lamid ah, Xitaa waxay keeni kartaa in dhaqan xumadaas ay kula laabtan dalkooda oo ay qeyb ka qaataan Qalalaasaha Socda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran