Ciidamo Ka Tirsan Maamulka K/Galbeed Oo Hub Loogu Qaybiyey Degmada Waajid

Waxaa maanta hub iyo rasaas loo qaybiyey 300 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka K/Galbeed kuwaasoo dhawaan tababar loogu soo xiray Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Wasiirka dhaqan-celinta iyo hub-ka-dhigista maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Eelaay iyo Saraakiil ciidan oo maanta gaaray Waajid ayaa askarta u qaybiyey hubka iyo rasaas loogu tallo galay in hareeraha iyo Wadooyinka Baydhabo iyo degmada Waajid looga nadiifiyo Alshabaab.

Degmada Waajid ayaa waxaa go’doomiyey Alshabaab, waxaa gabi ahaan aan la isku haleyn karin wadooyinka Waajid iyo magaalooyinka waaweyn isku xiro. Askarta maanta hubka loo qaybiyey ayaa waxaa la rajeynaa inay go’doominta ka qaadan shacabka Degmada Waajid oo muddo sanad badan ay Alshabaab ku hayaan go’doomin.

Maamulka K/Galbeed oo inta badan degmooyinkiisa laga saaray Alshabaab ayaa u muuqdo mid aan ka faa’ideysanin duruufaha saaciday isla markaasina aan diyaar u ahayn hourmarinta deegaanadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE