Dhageyso Golaha Midnimada Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Shabelaha Hoose Oo Sheegay In Shirkii Afgooye Uu Ahaa Mid Xaaraan Ah Oo Dhaqaale Lagu Lunsaday Kaliya

Golaha Midnimada Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Shabelaha Hoose  Cabdulaahi Cismaan Haruun oo Wareysi siiyay Radio Danan ayaa si kulul uga horyimid shir maalmahaan ka socday Afgooye oo lagu marin habaabinaayey mustaqbalka shacabka gobolka Sh.hoose.

Cabdulaahi Cismaan Haruun ayaa sheegay inaysan jirin beelo reer Sh.hoose oo oo dagaal dhexmaray oo la heshiisiinaayo isagoo caddeeyey in dhibaatada Sh.hoose ka taagan ay tahay mid ay wadaan ciidamo magaca dowladda ku soo galay gobolka oo rabo inay dhulka ku beeraan beelo aan dhulka deganeyn.

Dhageysi Wacan:

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran