Dhageyso Wareysi Xasaasi Oo Markacadey Ay La Yeelatay Wasiir Caraale Oo Shariif Xasan U Qaabilsan Fulinta Mashruucyada Shirka Afgooye

Iyadoo maalmahan la hadal haayey in Degmada Afgooye ay ka socdaan shirar lagu sheegayo dib u heshiisiin, ayaan waxaan wareysanay Wasiirka dib u heshiisiinta iyo arimaha dastuurya Cabduqaadir Nuur Caraale.

Wasiirkan oo u xilsaaran inuu fuliyo Mashruuc Madaxweyne Shariif uu kasoo helay hey’adaha UN-ka ayaan ka wareysanay arimo ay ka midyihiin howlaha Afgooye ay u joogayaan.

Inta uu socdo wareysiga ayaan ku weydiinay su’aallo xasaasi ah oo ku aadan dhibta ka taagan Gobolka Shabeelada hoose isagoo intooda badan ka meermeeriyey jawaabaha su’aalaha, waxaana uu dafiray in Mashruuc uu yahay shirka Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran