Dhageyso Waxgaradka Degmada Buurhakaba Oo Gadoodsan Iyo Fashilka Shariif Xasan Ka Haysto Dhammaan Degmooyinkii Uu Maamulka U Magacaabay

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaaminaayo Shariif Xasan ayaa fashil xoog leh wuxuu ka haystaa maamulo dhowr ah oo uu u magacaabay degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Sh.hoose.

Waxgaradka degmada Buurhakaba ayaa mudaaharaad ka dhigay maanta degmadaasi iyagoo ka cabanaayo maamul cusub oo degmada loo soo magacaabay iyadoo aanu lagu soo wargelinin gudoomiyihii hore ee Buurhakaba.

Sidoo kale fashilkan wuxuu ka taagan yahay degmooyinka Marka iyo Afgooye oo maamullo cusub uu u magacaabay Shariif Xasan xili aan waxba lagala tashanin dadka deegaanka.

Hoos ka dhageyso Cabashada waxgaradka degmada Buurhakaba

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran