Faahfaahin Muwaadhiniin U Dhashay Dalka Turkiga Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho ka dhacay weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo lagu qaaday shaqaale ajaanib ah oo ka howlgalaayey Isbitaalka Dikfeer ee gobolka Banaadir.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay saarnaayeen shaqaalahan xili ay maraayeen Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan labo qof oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa dhintay, waxaa dhaawacmay 5 kale oo Turki ah. Sidoo kale waxaa jiro dad Soomaali ah oo ku dhintay tacshiiradda la qabadsiiyey shaqaalaha Turkiga.

Dableydii ka dambeeyay Dilka Muwaadiniintan  Turkiga ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxsadeen goobta ay ka fuliyeen shirqoolkan.

Weerarka lagu qaaday shaqaalaha Turkiga ayaa ku soo beegmaayo xili maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta Soomaalida qaarkood ay qoraayeen in Turkiga dhibaato uu ka wado Koonfurta Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran