Hub U Soo Socday Koonfurta Soomaaliya Oo Markale La Qabtay

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa meel u dhow biyaha Soomaaliya waxa uu ku qabtay doonni sidday hub taas oo ay sheegeen in ay ku wajahnayd Soomaaliya.

Hubka la qabtey ayaa u badan qoryaha fudud ee AK47, boobayaasha culus, miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in uu yahay hub aad u badan.

Shaqaalaha saaran doonta ilaa iyo hadda lama garanaayo dalalka ay kasoo jeedaan, taasina waxaa keenaysa majiraan wax waraaqo ah oo ay wataan.

Ciidanka hubkaan qabtay oo saaran markabka Faransiiska ee lagu mafcaabo Provence’s Caïman ayaa sheegay in ay ka shakiyeen doonta ka hor inta aysan gacanta ku dhigin.

Bilowgii bishaan March ayaa markab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxa uu gacanta ku dhigay doon hub u sidday Soomaaliya taas oo lagu qabtay meel wax yar ka baxsan biyaha Cumaan.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga cidda uu sida rasmiga ah ugu socday hubkaan lagu qabtay badweynta Hindiya balse waxa la rumaysan yahay oo keliya waa in hubkaa loo waday Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran