Qalabkii Caafimaad Ee Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Dalka Denmark U Soo Direen Shacabka Degmada Marka Oo Muqdishu Lagu Iibiyey (Sawiro)

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Qalab Caafimaad ah oo loogu talo galay in la gaarsiiyo shacabka dhibaateysan ee degmada Marka si qarsoodi ah lagu kala iibsaday Muqdisho dhexdeeda.

Howlwadeenada shabakadda Markacadey.com ayaa la socday dhaqdhaqaaqa Qalabkan Caafimaad oo ka koobnaa 3 Konteenar kaasoo labo mar laga soo kala dejiyey dekedda Muqdisho.

Jaaliyadda beesha Biimaal ee wadanka Denmark ayaa Agabkan Caafimaad ugu talo galay in lagu daryeelo walaalahooda ku dhaqan degmada Marka iyo deegaanada kale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qalabkan caafimaad ayaa isugu jiray qalab casri ah oo Bukaanada lagu baaro sida: Tomography(CT), X-RAY (Rontgen), Microscopes (Sheybaaro), Wheel Chair (Kuraasta Bukaanka lagu qaado), Sariiraha bukaanka oo noocyo kala duwan leh sida Sariiraha Qaliinka lagu fuliyo iyo kuwa Jiifka iyo agabyo kale.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale waxay sheegeysaa in Isbitaalka Daarul Shifaa ee Muqdisho laga iibiyey qayb ka mid ah Qalabkan caafimaad ee Jaaliyadda Denmark ugu deeqday shacabka tabaaleysan ee magaalada Marka.

Qalabka Caafimaad ee Jaaliyadda beesha Biimaal ee Denmark u soo dirtay walaalahooda dhibaateysan ayaa la xaqiijiyey inuu gacanta u galay shakhsiyaad la yaqaano kuwaasoo aan helnay qaar ka mid ah magacyadooda halka qaarka kalena aan weli ku dabajoogno helitaankooda.

1Xasan Cali Nuune – Agaasimaha Isbitaalka Marka oo qax ku joogo Xamar.

Howlwadeenada Markacadey.com ayaa  helay sawirada qaybka mid Qalabka caafimaad ee suuqyada Muqdisho lagu iibiyey xili alaabtaan laga keenay dekedda Muqdisho isla markaasina lagu raseynaayey guri ku yaallo Muqdisho.

1 2 3 4 5

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran