Qarax Khasaaro Badan Geystay Oo Ka Dhacay Waqooyiga Galkacayo

Waxaa faahfaahin dheeraad laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba geystay kaasoo saakey ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey Lix qof ayaa qaraxa ku geeriyootay halka tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo lala beegsadayHotel weyn oo lagu mafacaabo Uunlaaye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qof xirnaa walxaha qarxa uu isku qarxiyay meel ay dad fadhiyeen oo hotelka dhabarkiisa ah.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxa maanta ka dhacay qaybta ay ka maamulaan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran