Sidee Loo Badbaadiyaa Neefka Irmaanka Ah Ee Uu Ku Dhaco Xanuunka “Qandhada Caanaha” Ama Karoodka (Video)

Waxaa dhacdo in neefka Irmaanka ah uu miir daboolmo markii ay soo wajahdo hoos u dhaca dhanka Curiyaha Calcium-ka ee  dhiigga noolaha laga helo (Low Calcium Blood).

Hoos u dhaca Curiyaha Calcium-ka waxaa sabab u ah Caanaha badan ee laga maalaayo ama laga lisaayo xoolaha. Inta badan xanuunkan waa lagu arkaa (Low Calcium Blood)  xoolaha dalkeenna Soomaaliya balse jahliga haysto dadkeena darteed ayey neefka Irmaanka ah naftiisa lagu dhaafiyaa iyadoo canugiisana uu agoon noqdo (Yuu bir gefin ee ha la gowraco).

Dalalka horumaray ayey xoolaha ku haystaan markey xanuunsadaan daryeel la mid ah midka uu helaayo Bani aadamka hadduu xanuunsado. Bal Daawo sida neefkan Lo’da ah loo badbaadinayo oo loo siinayo dhowr garaam oo Calcium ah (hal Faleembo) si uu miirkiisa u helo markale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE